samedi 2 juin 2012
Daawo barwaaqada gobalka sool Iyo Boholaha Xargaga(Khaatumo State) "Daawasho Wacan"
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix Hoos Meesha comments)
Abwaan Maxamed Aadan(Maaweel)
Abwaan maxamed aadan alla naxariistii jana ha ka waraabiyee wuxuu ku geeriyooday magalda nayroobi sanadkii 2004 kii waxaa waraysigan ka qaday wargayska somalitalk aniguna waxaan ku daray taariikhda waxaan ka aqanay maxaa yeelay wuxuu maaweel ahaa abtigay intaan ka soo dhoofini kenayan waxaan wada jooganay nayroobi waxaan marka hore intaan taariikhdan bilaabin aan u diryaa dhamaan ehlka iyo qarabada uu ka geeriyooday abti maxamed aadan waxan leeyahay samir iyo iiman alla hayanaga siiyo dhaman inaga iyo somalida keli ee uu ka geeriyoodayba abwaan qaran buu ahaaye.
qore: maxamed c/laahi cali tiriig
iyo somalitalk.com
Sawirada Abwanada
Abwaan Maxamed Aadan (Maaweel)
Abwaanka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel, wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray. Maaweel wuxuugabayada ka racay aabihii labadiisa awoowe mid ka hooyadii iyo midka dhinaca aabihiiba abati yaashii iyo habaryarihiiba waxaa jiray gabay uu tiri yey awoow giis aabe oo ahaa isada tan.
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!.
gabaygii ugu horeyey ee uu Maaweel tiriyo wuxuu jiray 19 sano wuxuuna joogay magalada cadan habeenaroos ah isaga iyo abtigii nin ah oo la oran jiray Cabdi Saalax (Boqole) baa wuxuu arkay Maaweel oo gabdho arooska jooga sal-salamaaya markaas buu abtigii Maaweel u gabayay oo yiri sidan.
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!.
Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan tiriyo, waxaan idhi:
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.
Xiligaas uu Cadan joogey,waa 1964 kiiye waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii ay ka gabyi jirey ee ku caweeyn jireen baa loo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada…kolkaasay xoogaa haantaa haduub la’ ahi nagu dhacday, dabeed waxay la noqotay in uu ciyaalka gaafka ka qabsaday in uu gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, wuxuuna mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd.
Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!.
markuu gabayga amarshay baa dadkii ka qaday maaleelada laga wada xidhay baarakay ku ciyaari jireen ayana baaba een
Maaweel intaa ka bacdi wuxuu la si baxay suuugantii si fiican waxayna aad iyo aad gabay isugu tirin jireen nin ay saaxiib ahayene oo la oran jiray Baare Cilmi Dable oo ay isku hayaan reer Sacuudi waxa markii danbena ay gabayo waa wayn oo qima badan isku tiriyeen nin la oran jiray Khaliif Xasan Walah oo ahaa reer Muqdisho markaa ay iyan joogeen Sucuudiyaga oo aha nin ka dawayan baa loo geyey gabayo ay isku tiri yeen Maaweel iyo Bare oo lagu yiri gabaygan sinlayda ah waxa isku tiriyey labada wiil kamana yaqanin in aad tahay inin jira reer raga u gabay markaas buu tix gabay ah u diray Maaweel waxayna ahayd sidan.
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
markaas Maaweel muusan aqoon Khaliif marakaa wuxuu raadiyey taariikhdiisi bal wuxuu ahaan jiray ilay nin aadan aqoon umaad gabayi kartide markaas wuxu soo helay in Khaliif uu joogi jiray wadanka Kenaya una ku xumaa qadka iyo hawlihiisa makraas buu tix gabay ah u diray isna waxayan ahayd sidan.
Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey
Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.
Bare iyo maaweel waxay isku gabayi jireel labadoodu ka hore markii u Khaliif ka maqnaa gabayadooda markaas wax bilaabay in labadoodo isku gabayaan Maaweel oo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool yahay ayuu nin ugu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi buu Maaweel u qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka waxaa u soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna waxaan u tiriyey gabaygan:
Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe
Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye
Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan
Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso
Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo
Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin
Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye
Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey
Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay
Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey
Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula
Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo
Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye
Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye
Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey
Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e
Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey
Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.
Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe
Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan
Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine
Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho
Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne
Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe
Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye
Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e
Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho
Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode
Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye
Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka
Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga
Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye
Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda
Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!.
markaay intaasi kala dhex martay bay is daayeen oo heshiiyeen
hadaba waxaa jiray nin kale oo ay isku gabyeen Abwaan Maaweel oo ahaa reer kuwayd ayadna mararkaa ay bare iyo maaweel isku gabayayeen baa maaweel yiri anoo jooga ku way kuna cusub markaas baa reer ku wayd yiraahdeen war waadigii suxufi gabayaa ahaaye inbadan waan nal joogtaye maxaad u gabayi wayday mise aroosyada uun baad gabadhaa ka amaantaa ee raga lamaad gabaytantid markaa nin la oran jiray sheef baa laysu gabayey maaweel wuxuu ugugabayey sidan reer kuwayd
Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye
Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye
Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda
Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo
Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane
Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye
Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu
Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene
Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e
Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe
Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane
Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye
London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye
Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane
Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede
Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane
Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane
Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e
Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye
Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka
Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane
Lo’ miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!.
Markuu tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo ay isga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn u soo jawaabay Maaweel nin gabyaa ahaa oo ahaa reer kuwayd xilagaa magaciisan layidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:
Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday
Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay
Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye
Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e
Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye
Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid
Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!.
Ninkaas wuxuu ku yidhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef markuu sida noqqday buu Maaweel Sheef daba galay wuxuuna soo helay inuusan xaasba lahayn Sheef, dabadeed tixdan buu u mariyey, wuxuu idhi:Maaweel
Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne
Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne
Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane
Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye
Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo
Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo
Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta
Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye
Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta
Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta
Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye
Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!.
Markay Maaweel iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsadeen ayaa gabyaa Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:
Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye
Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey
Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine
Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay
Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline
Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye
Dhowaanse reer Margaab1 sheekadaad kula dhex meeraysey
Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine
Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e
Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye
Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.
Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:
Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay
Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid
Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa
Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho
Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne
Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele
Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane
Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade
Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne
Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye
Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale
Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye
Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha e
Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye
Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye
Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye
Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey
I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye
Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka
Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye
Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e
Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid
Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!.
Rag kale oo tiro badan ayey isu gabaynay oo ay silsilado kala duwani ay dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno maanta.
halkaas bay ku joogeen gabaydii isaga iyo ragaas dhex maray waxaa jiray gabay wadanah oo uu tiriyey Maaweel wuxuuna aa sidan.
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa
Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey
Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo
Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba
Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin
Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e
Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede
Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone
Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.
Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye
Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane
Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e
In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro
Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye
Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.
Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib
Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye
Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!.
gabaygaasi wuxuu ahaa mid aha markii dowladu jirtay uu tiryey lakiin dowladuintay burburtay wuxuu tiryey gbayo badan lakiin waxaa jiray mid uu tiriey 1992 gii
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.
Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib go’aya uu ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:
Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge
Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane
Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e
Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne
Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e
Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey
Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo
Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane
Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid
Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!.
hadaba dhulkii uu sidaa ugu gabyaaye iyo dadkii ka soo cararaya iyo qaranimadu meeshay taal meeshayan ahaan jirtay muxuu maanta ku oran lahaa Maaweel hadaba sidan buu yiri
Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane
Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye
Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye
Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe
Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere
Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay
Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye
Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!.
wuxuu abwaan Maaweel ku noolyahay Kenya
hadad rabto inaad la xidhiidhan halakan adigu kal xidhiidh
Kala xidhiidh Abwaan Maxamed Adan Maaweel: E-mail: maaweelpoet@yahoo.com
(Taariikhi ma qarsonto ahadanla qarinayan )
kuwa kalene waa soo oscdaan hamoogan hana ka maqnaan
Gabayada Abwaanka inta qoran
Dood dhulbahante iyo digash Idoor.
Gabaygan waxuu la socdaa Gabayadii laga tiriyey Dagaalkii HAYE Maaweel oo gabaygan ka tiriyey isagoo jooga carabta guusha laga soo hooyey digashana uga dhigaya Iidoorka Waana markay Baxday Weedha ah "Abtiyaal na hambeeya" oo macanaheedu ahayd reerka yaan la is wada raacin ayaa Nina Arab ah gabay soo tirshay hadaan xoogaa ka sooqaadano waxaa ka mid ahaa
Is Hubsada Dhulbahantoow ayaan Hoobal idiin tumine
Halkaa markuu mariyey Ninkii Arab ayaa Maaweel gabay aan in yar ka soo qaadan doono laakin aan soo galin doono isagoo dhan Qeybta aan Maaweel u furnay yidhi:-
Nimanyahow maxaanu u hubsanaa gorayo waa haade
Minjo hoolan bey leedahiyo baalo heeryaha'e
Nimankaan hangoolka u lulay wey hamranayaane
Hor Illaahay waa qalad in aan Arab la heesaaye
Isagoo diidaana Arabkan uuba la hadlayo maadaama Dhibku gaadhay Habarjeclo, gabaygiisiina waa kan ee ahaa Digasho iidoor
Indhawayto waa taanan deyin deelaydii gabaye
Dahrigayga waa tii aan ka jaray dihashadiisiiye
Daraan mariyey waa in aan murtida laga diraacoone
Waa tii aan dihnaan jiray sidii laas daroorimay e
Daadkuba dixda iyo dooxaduu dulun dulceeyaaye
Mar hadii aan dabuubtiisa helo ama dariiqiisa
Oo ay diiradu ii saaran tahay diidi ma aqaane
Hala diirsadee ararta maan idinku deeqsiiyo
Axmadow dareen baa ka yimid doolo iyo hawde
Isagoo dirayskii sitaa oo duni iyo shaal iidleh
Oo dunayadii yarayd daran u hoos jiifa
Diracii Ismaaciil markii talada loo dooxay
Oo waliba dood liidata iyo digasho loo raacshay
Laye deyro dhaafkii tolkii waa dagaalamaye
Dusha qararo damashii haye iyo ilaha daahyaale
Reerkii dalkaas lagu ogaa duulaan soo kiciye
Ma daahine diyaarsade hubkii duhur dharaareede
Derbaha gawlalaale iyo yamays duuda yucuboole
Dusha baalidhaye sebenka waa la isku duudsiyaye
Daraawiish ordaysaa gashay iyo duubcadii beriye
Difaac iyo markii weerarkii lagu dayeysiiyey
Keymaha diqowga leh markii ay digadu yeedhaysay
Ma dirgane sidoodii baqay daba jeedsheene
Dal jiirkooda ruuxii ogaa daawashow dhimaye
Nin Dhulbahante daandaansadaa waa ducfiyayeeye
Duli baa ku dhaca reerka ay dacarta saaraane
Ina kaahin wuxuu daalibay oo doonayn buu helaye
Reer Yusuf meel lagu dusiyo daaqad baa maqane
Dildilaha ku yaal Adan iyo daahir iyo yeesif
Dadku waxuu ka sheekaynayaa waayo dabadoode
Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo
Doonyahu ma dhoofaan hadaan diirad loo sidine
Dabaqayda iyo foolkuba waa dajinayaane
Duufaanka waa laga qarshaa dirirka cawleede
Mar uun baa sidii dogob xoribay dakhalku liicaye
Hadii awr dibood badan dibadaha u hoydo
Dabarka iyo hogaanka iyo hadii deyrku qaban waayo
Keymaga dugaaga leh hadii daayin ku abaado
Mar uunbaa libaaxyada dibjiray kaga digsiiyaane
Haday naagi dowraari tahay oo diiday gurigeeda
Daryeelka reerka koobane haday dumiso geeskeeda
Nin keedii dalaaladay haday damac ka weydayso
Mar uunbaa dalaaqda dadoow lagu daweeyaaye
Nin dabeecadiisu xuntahay diina kula haysta
Oo diirka kaa shaabaha oo duulal kale sheegtay
Hadii aad dadaal iyo wanaag daacad kaga weydo
Markaad daxan daxaysaba haduu dacar ku leefsiiyo
Mar uun baa dubuhu ugu dhacaa si aan la doonayne
Alla dakharku weynaa ninkii dilane yeelkiise
Danbigaad gasheen habarjeclooy waa da'weyn yahaye
Wax baad duudka ku xanbaarataan ceeb dandaan lege
Meeshii dulaydiyo sula baan kuu darbi ahaaye
Sidii wiil duqii dhalay baan daadah ku lahaaye
Damiin baan ahaa maanta iyo dalan dalkaygiiye
Ducaan kaa mudnaa iyo xamdi aad nala dul joogteene
Inaad aniga ii duur xushaan dib uma eegayne
Haad kuma degdego aar oo daacurtii qabo'e
Hadaad doobnimo is taawiseen baan dablaan ahaye
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Idinkoo dagaan wacan helay oo duunyo badan yeeshay
Oo daramal iyo muusiko iyo danish tumanayaa
Adoo meel daruuraha u dhow danan ka dheelaaya
Oo nabad ku daaqaa iidoor daasad kuu tumaye
Doqontuna amaan aynaan lahayn waa ku dararataaye
Dibindaabyo idin haysa baad darayo moodeene
Dabin baad lugaha kula dhacdeen daadsan oo adage
Deelaha qadhaadh iyo shiil baad daanka geliseene
Daluun malag iyo shoolad baad dalaq tidhaahdeene
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Dirirna waa ka joog amase daacad u ahow'e
Ceel ku dahaya duul kuu tashaday dad aan ku daynin
Hadii uu dagaal kugu qabsaday didib adoo jooga
Buntukhu dilaagiisu jabay shiishku dabarkiiye
danbaas yaalka iyo hootada baa igala doodeene
Markan isku kiin darana waa kaa dal qumisaaye
Sahan baas idinkoo fuushan baad dega tidhaahdeene
Dabay yaale baa idiin martay iyo diilin karimeede
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude
Hadii uu doobi buuxsamo in uu daato waw halise
Naf bariiqadeedii gashay baan hadal dariiqeyne
Waxuu gabay daldalay Adan-Carab waa idiin digaye
Maansadan la doondoonayoo haatan lagu daatay
Dahab bay ku miisaan tahay amase doolaare
Aan is dayno aan wada degno iyo aan isku duubnaano
Duqayda iyo xeerbeegtidii dalan kaclaynaysay
Iyo dooyadii dhowrka sano idinla duucaysay
Intaasaad shirkii kaga dudeen waagii dalinweyne
Anigana dakanadii horaa laygu dowgalaye
Marna hadaan waxaan kugu dugsado kugu dareemaynin
Oo aan kugu diirsanayn dunida hoosteeda
In aan daaqsin geel kuu jirsado door anigaa bidaye
Malaa Dirir-dhabaad sahan sateen oo dookh idiin galaye
Daafeed u kaca meel fog oo durugsan weeyaane
Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo
Waxba yaan dalxiis idinku marin dhul aan la gaadhayne
waxba yaan idiin di'in sidii doogsii galabeede
Waxba yaan dabayl caafimaad idinku soo dayne
Waxba yaan durduurta idin odhan malabka doocane
Waxba yey tixdaan duubayaa dacalo dheeraane
Dulucdayda meeshan la rabo waan u daadagiye
Darandoori loo riday madfaca waan diyaarsdaye
War doodiga sulaaxu way ducufka Iidoore
Hal maqaarka diidani salkay dalalaglesaaye
Dunkana waxay ku beegtaa halkuu deebku leeyahaye
Misna waxa danuunucu ugu jiraa dihashadiisiye
Dala haysataa iyo si kale wax u dabartaaba
Waxaad dunida kaga qayb gashaan shay dacaayad ah'e
Carab dalab leh iyo uur la dabo daanyeer dhaqankiye
Inkastaad damiin raadisaan dayri baan dhalaye
Dilaal iyo malaal baa indhaha daan idiin sudhaye
Halka meesha laga doonayaa idinka diimoone
Waxaa dowlad la mucaaridaa dood siyaasi'e
Haday durugto sheekadu talaa laga dulgeeyaa
Daakhiliga kaa eexda waa laga dacwoodaaye
Dila iyo tola'ayeey wax garad kuma dareeraane
Soomaali oo la isku dilay waa damiinimo'e
Distoorkay ka xaaransan tahay dayina maysaane
Daarood derajadii u furay oo uu diiday in uu haysto
Oo uu hawiye dayriyey oo dibada loo tuuray
Oo qaran ku duulaayey baad xalay dumaasheene
Dugsi iyo rag ina aadani ha iska daaleene
Dalagna lacagta ha iskaga gurteen dhidid
la'aanedeIn aad calanka dacal jeexataan diide reer bariye
Doondoonistii hore baan diiq ku soo helaye
Diirka toban malyuun buu qabaa duulka aan ahaye
Waxii deeble geel iyo rag iyo dirir na soo gaadhay
Dugaanyadii shalay nugaal dacalka jiidhaysay
Oo sida dayaxa aadanahu dowmada u eegay
Oo sheekhu duubka u gashaday waa daqiiqaha'e
Dooxooyinkii beerdhiga bey ugu danbeeyeene
Daliil iyo Taleex baa lafahii duxayey yaalaane
Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliyeSidii baan dagaha ugu sitaa koofil dabasiide
Adna dagantidaydaad kufriga daga lahaydeene
Dal yaqaanka idinkow ahaa Doora-Weynaha'e
Daraydii Jidbaale baa Iidoor nagu duleedsheene
Kolay duulkaleto tahay iyo idinka duulkiina
Cidna kulama daaweynsan karo duni Buluuglay'e
Wey idin dardaar warinayaa ducufsi yeelkiise
Dhulkoo doogan dunidoo nimca dalagyadoo rooban
Waxaan daarad waysha uga qalay uguna daynwaayey
Oo ugu dirqiyey waa in uu dib ugu quustaaye
Hadii aan daboolkii dhagaha daamur idin awdin
Ama aan indhuhu daahsanayn aragna diiqoobin
Ama aan damiirka iyo xuskii idin dareen goynin
Malahayga daris qaadate ee galiya diiwaanka
Hadii kale waxii danabsan iyo dooga bal aan dhawro
Kala Guur
Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey, Dagaal ka dhacay meesha la yidhaa yufle ilaa Buurta Muse Ismaaciil, oo ah reer ka mid ah Habaryonis baa maalintaa sida Daanyeerka buurta galay halkaa waxaa ka dhacday "Sidii daanyeerkii Didib ma jeexsiiyey"markii jab xun ka soo gaadhay dagaalkaas halkaa ka dhacay,
Maaweel oo ah Naaleye Axmed.. Dhulbahante ayaa markaa digasho ahaan, gabaygan u tiriyey Waxuu yidhi:-
Indhawayto gabaygii ma tirin loo golayn jiraye
Waa tii aan galool ololka iyo dhigay guhaadiiye
Waa tii aan ka gaal gaaliyey oo goolada u xidhaye
In aan gudhay inaan gaabiyey iyo gaabis la imoodye
Godob baan ka yaabay iyo cadaab geeri dabadeede
Caawana arimo gaar ah baa iila soo galaye
Garbay noqotey maansada in aan gaadada utomo'e
Gusooraha onkoday waa inuu geela bixiyaaye
Hilaac galalac yidhi meel fog baa lagaga guuraaye
Inta gabay taqaan iyo abwaan ha isku guuleene
Giraantayda ha u fiirsadeen guunyo ruugleeye
Raga garashadooda cabiraa ha is galaaleene
Guna-Gado iyo hatago gudo Nugaaleede
Gal-Duur nimanka yaal waa inuu gama udiidaaye
Galimays adeerkood Absame yaanu gees marine
Gadabuursi iyo Ciise iyo Geri ha sheegeene
Hadii guurti leeyahay Iidoor haysu guduyeene
Galgal baxaye sida roob gudgude bal aan gufaacoodo
Xaajada ragbaa guba haday gees biciid tahaye
Niman yahow Dalkooda u gafay oo gayrshey calankooda
Niman yahow dad gacalo is jecel kala go'doon siiyey
Niman yahow Iblay goobalihi gamasyada u dhiibay
Oo waliba sagaal goor samaha loogu golo xaadhay
Niman yahow darxumiyo daladhacays darajadow haysta
Niman yahow hadaanu u gudinay ganafka noo taagay
Niman yahow waxay goobayaan aanu garan weynay
Idinkaa gumasytaha hadhsada geed siduu yahaye
Waad gada gadootaan hadaan Gaal idiin taline
Hadii uu kufrigu geesta yurub kaaga gacan haadshay
Giriig iyo hadii aad Yahuud gacaladaa mooday
England goonyaheedii hadii ay gogoshu kuu taalo
Asaan goboladiinii shideen kayga gubi maysid
Gubniyaal is daba jooga iyo gaas dablaa jira'e
Warsangali ma gaagaabsadaan gooba dirireede
Waligoodba meel lagu go'ay bay gool ka dhaliyaane
Waa tii ay is guubaabiyeen gebi ragiiniiye
Gaadiidka meeshiyo dhahar waa ka soo go'aye
War gaashaan dhigoodii horiyo gaadh hayii yimide
Gahayle iyo waa wada socdeen Naalayii guriye
Gar maqaatayaal wada jiriyo geesiyaal wadaye
Kuwaa soo gudbay waa inay gubato qiiqdaaye
Guryahaay oodi jireen sidii gaalo qudhinlay'e
war waa gabo waraan meesha ay gacanta saarane
Sidayr maalintii aad soo gasheen giijiye u yeedhay
Gurmadkii habaysnaa markuu idinku soo gaadhay
Gariirkii iyo xiinkii miyaan galawgu hiilaabin
Guulaamada iyo uurada iyo leexada is goysay
Galaayuuska qaylada miyaan la isku geeraarin
Sidii gaydho ugub oo bilihii gaado baxa joogta
Oo meel gulgula daaqa oo gooha ku ogaatay
Intaan gelin dhamaan ma idinkaan goojo la amaarin?
War miyeydaan gadaal nooga bixin goosan idinkoo ah?
Idinkaa gurguurta oo yaqaan gaadmo bahalayne
Iyadoo gadii tahay hantay goobtii libineede
Sidaa waliba waa la igabray oo la igasaasacaye
Garabgorayadii dawladii gaasta idin siisay
Gudigii la aaminay siday noo gol qabataysay
Inkastoo ragiinii ku go'ay guuldarana raacday
Guray iyo wahaabi baa ku maqan gaadmadii hore'e
Waxna ma gaysane tolkood baa gaydho loo qabaye
Waase loo galiilyoonayaa labada geed jooge
Waar gooray ahaataba marbaa loo gagabayaaye
Oday gadhweyn baa hartigu kaga gam'aayaaye
Goc goclaysi baa soo socda iyo gorayo khaakhayne
Gowsaha is dhaafsade ragii gaananaan jiraye
Galkay seefta kala soo baxeen sida giniiseede
Garbey fuushay nabadii aan jeclaa in aad u guuxdaane
Idinkoo garaadada barya iyo gacan wadh mooyaane
Idinkoo go'aankiinii hore gudhiya mooyaane
Gudoon baa ka dhacay Sanaag in aad dib uga gooshtaane
Kala guuray kala guranay Iidoor-gasloow gacaladeeniiye
Kala guuray oo waxaynu nahay gaalo iyo Islaane
Googaalihiina batay iyo gararamtiiniiye
Garbarka ha daysteene maan giirka kor u qaado
Taariikh gundheer baa jirta aan abid gaboobayne
Wali geenba garasho iyo xeer ilama gudboonayne
Gudumo baanu nahay waxad tihiin godortii guuraa
Galool baanu nahay waxad tihiin gowlal iyo booce
Gocoso iyo dhalool baad tihiin aan gunba lahayne
Guban baad ku noolan jirteen gu' iyo jiilaale
Geed xananadiis iyo xiji baad guran tiqiiniine
Geeslaha riyaad baad aduun qudha lahaydeene
Intii aynu kala guursanay baad geela dhaqateene
Intii aynu kala guursanay baad galo xamaasheene
Intii aynu kala guursanay baad gegi ka heesteene
Intii aynu kala guursanay baad goolal qalateene
Intii aynu kala guursanay baad gob u ekaateene
Anaa u geeyey magacii guud gebiga soomaale
Durdurkaa janjeedhsada hadaan gibilku xeernayne
Abidkay gar gaarkiina wow geelalaan jiraye
Dal dalooladaad yeelataan waan gufayn jiraye
Inkastaad abaalkay gabteen waan idiin galaye
Gardarooyinkiina iyo ma rabin guluf colaadeede
Idinkay gelinsiinaya ee waan ka gaabsadaye
Maantana wixii go'ay go'e oo geeri loo dhalaye
Garawshiiyo waad leedihiin guuyo iyo ruuxe
Adigoo garaadkaaga qaba la isma gowraco'e
Gabaahiiro lama joogsado iyo gole abaareede
Jamhuuriyada aan qaybsano iyo goosashada aad u ordayso
Gafuur buurka aad noo qabtiyo ciil ka bixi maysidIyo godobta
Daaroodka kale guule idin doortey
Waa waxa intaydan goblamin layska soo galaye
Niman yahow wax lays kuma gudbo ee talo garaadaysta
Hadii kale dan baa gara gorayn gaaga soo hadhaye
Isna gubte gantaalaha safani hadin garaacaane
Isna gunaanadee jeerimadu hadin gobolayso
Afartaa garaado iyo galo gohayntii dheh
Guga roob oo soo onkoday gababacdiisii dheh
Guraa jalowle iyo hilaac galalacdiisii dheh
Gufaaco iyo gugoo khooray galan galkiisii dheh
Geeraaradaan tirin jiray iyo gabayadaydii dheh
Gujo kalena waa dawladiyo gohashadeedii
Gabaarayda lama aamino iyo gool abeesyada'e
Bahala is gaabsha oo wax gana hay gunaynina'e
Waagii hore buu noo gabaday gogol la naaxshaaye
Gacmo daalis buu kororsadaa guban nin beeraaye
In dooraa galbeed loo socdee bari haloo guuro
Gabayada abawaan Maaweel .
Gabayadan waa ku wisii ugu caansanaa iyo kuwii ugu caansana aee ay raga maansada colaadeed ka dhexay say uu ugu jawabay ee la soco.
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.
2
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
3
Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka
Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey
Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!
4
Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe
Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye
Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan
Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso
Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo
Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin
Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye
Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey
Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay
Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey
Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula
Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo
Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye
Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye
Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey
Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e
Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey
Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.
Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye
Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe
Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan
Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine
Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho
Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne
Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe
Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye
Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e
Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho
Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode
Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye
Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka
Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga
Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye
Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda
Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!
5
Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye
Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye
Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda
Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo
Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane
Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye
Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu
Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene
Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e
Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe
Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane
Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye
London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye
Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane
Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede
Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane
Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane
Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e
Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye
Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka
Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane
Lo miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!
6
Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday
Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay
Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye
Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e
Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye
Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid
Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!
7
Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne
Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne
Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane
Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye
Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo
Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo
Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta
Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye
Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta
Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta
Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye
Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!
8
Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye
Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey
Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine
Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay
Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline
Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye
Dhowaanse reer Margaab1 sheekadaad kula dhex meeraysey
Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine
Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e
Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye
Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.
9
Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay
Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid
Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa
Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho
Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne
Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele
Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane
Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade
Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne
Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye
Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale
Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye
Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e
Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye
Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye
Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye
Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey
I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye
Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka
Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye
Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e
Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid
Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!
10
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa
Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey
Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo
Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba
Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin
Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e
Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede
Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone
Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.
Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye
Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane
Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e
In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro
Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye
Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.
Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib
Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye
Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye
Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!
11
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane
12
Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge
Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane
Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e
Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne
Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e
Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey
Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo
Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane
Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid
Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane
Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!
Gabayadan waxaa ay Maaweel Is dhaafsadeen rag kale
wixiii qalad ah ee aad ku aragtan ku soo dir Badhan6@hotmail.com
By Maxamed c/laahi Cali tiriig (hunbani)
mercredi 8 juin 2011
Wadnahay dhag-dhag iyo nagnag i leh anigana
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)
dimanche 5 juin 2011
Ismaaciil Mire:Annagoo taleex naal
Gabayga wuxuu ahaa warbixin, uu Ismaaciil Mire, ka mariyey dagaalkii ay isaga hor yimaadeen Daraawiishta iyo Ciidankii Ingiriiska ee uu ammaanduulaha ka ahaa Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii. Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii
Looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela. Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Maxammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Gabaygu wuxuu ka mid yahay gabayada nooca ugu sarreeya. Qofkii bartaana uu aqoon weyn ka heli karo.
Wuxuu Yidhi Abwaankii:
Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,
Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,
Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay.
Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,
Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,
Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray.
Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,
Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.
Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,
Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,
Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.
Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,
Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,
Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.
Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,
Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,
Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage.
Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,
Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,
Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray.
Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,
Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,
Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,
Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray.
Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay,
Girligaanku meeshu turqaday lagu tu’sii geela,
Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,
Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay.
Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,
Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,
Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay.
Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,
Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,
Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka,
Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,
Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,
Habeen kalena tagaabeeye iyo tu’innay Hayllaawe,
Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay.
Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,
Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,
Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,
Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,
Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,
Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,
Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye.
Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,
Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,
Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere.
Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,
Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye,
Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye?
Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,
Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,
Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,
Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,
Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Guuguule: Ismail Mire
Gabayga aan Ciwaanka ku sheegay,haddaan faallo gaaban ka bixiyo
sidii uu ku soo baxay: Ayadoo dalkii ay ka dhacay abaar aad u daran ee lagu baaba'ay ayuu Ismaaciil wuxuu hadhsanaayey geed. Kadibna shimbirka la yidhaahdo guuguulaha ayaa geedkii
dushiisii soo fadhiistay, dabadeedna wuxuu bilaabay in uu
halkii ka ciyo, isla markaas uu joojin waayey guuguudii.
Ismaaciil goortuu shimbirkii qayladiisii ka yaabay, wuxuu kula hadlay gabaygan. Gabaygu aad iyo aad ayuu u miro wanaagsan yahay, Soomaalida intooda gabayada jeceli way maqleen, Waa gabay qiimo badan, Marka Ismaaciil wuxuu yidhi:
Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso,
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday,
Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo'laysay,
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo,
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,
Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne,
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e,
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,
Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye,
Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye,
Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline,
Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne,
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye,
Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,
Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye,
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde,
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa hadhaye,
Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye,
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene,
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,
Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,
Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye,
Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye,
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye,
Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare,
Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane,
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.
Garad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye,
Cood kama gurxamo dooxaddii garada fiicnayde,
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane,
Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede,
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye,
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e,
Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye,
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye,
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne,
Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo,
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye,
Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!

vendredi 6 mai 2011
Ku Nasashada Heesta Caawa Waa Fanaanadda Soomaaliyeed ee Codka Alle Ku Manaystay:Hodan Cali Cilmi Ciid
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)
mercredi 2 mars 2011
Banaan bax iyo gabay Cajiiba Iyo Buuoodle
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)
samedi 19 février 2011
Xudun iyo Xusuusti Waagi
vendredi 4 février 2011
Daawo: Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camey.oo Laanta Labiga u Socda(Maansha Allah).
Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)
lundi 10 janvier 2011
MAGACYADA HABLAHA SOOMAALIYEED
HALKAN UGA RAADI MAGAC GABADHAADA
Magacyada loo bixiyo hablahayaga waxay muujiyaan hiddahayaga, deegaan iyo asal ahaan halkaannu ka soo jeedno, kobta juqraafi ahaan dunida kaga noolnahay, ama waxay cabbir muuqda ka bixiyaan muuqaalka inamaha, qaab iyo qeex uu waalidku la jeclaado ama u saadaaliyo. Mararka qaarkood laga yaabee haweeneey jeeska ka tirsan ama ka tirsanaan jirtay in loogu magacdaro oo lagu sammiyo.
U wanqalidda gabadhaada waajib weyn weeye oo muhim ah. Cilminafsiyahannada (psychologists) waxay sheegaan in haddii habluhu ku faraxsanyihiin magacyadooda, nafsaddooda inta ay ifka joogaan waa u riyaaqsanaanayaan. Waqtiga kaaga baxa ka baaraandegga u raadinta magaca ugu habboon, dhawaaq wanaagsan carruurtaada dheddigga ah, kayd weeye aad mustaqbalka u Aaydo.
Waxay magacyadu nisbeeyaan joog, qurux, midab, ama habsamaanta inanta sida gaarinnimadeeda, geesinnimadeeda iyo naxariisteeda.
Tusaale, inantii ugu horreysey ee Dhiimo loo baxshay, laga yaabee in looga jeeday in ay lahayd midab aad u casaan ah oo guduud takhti ah. Sidoo kale, Qumman – inan weeye hagaag, hufnaan iyo wanaag badan lahayd.
Hablaha qaarkood waxaa loogu magacdaraa dhirta, caleenta, iyo ubaxa, sida Cosob, Magool, Ubax, iwm, xayawaannada sida Qalanjo. Qaar kalena waxaa la siiyaa magacyada xilliyada iyo maalmaha sida Gudhalad, Isniino, iwm.
Sidaas darteed, magacu waa aqoonsi ruuxu leeyahay oo muujinaya halkuu qofkaasi dir iyo isir ahaan ka soo jeedo. Waxaa ila habboon in aan la dhayalsannin, laga teginnin oo la sahashannin afka iyo luuqadda, dhaqanka iyo hiddaha magacyadu ku salaysanyihiin oo ay ku qotomaan
A
Abshiro, Abyan, Afraxo, Ammaan, Amran, Aragsan, Arraweello, Ardo, Arliyo, Ashkiro, Askaro, Axado
B
Baahila, Baar, Bariido, Barkhado, Barni, Barrey, Barwaaqo, Basro, Baxsan, Bayddan, Beegsan, Beerlula, Biciido, Bilan, Billaddaya, Bishaaro, Bogaad, Bullo, Buney, Butaaco, Buuxo.
C
Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo, Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo, Carro, Cartamo, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo, Cawrala’, Ceebla’, Cibaado, Ciilla’, Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob, Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan, Culimmo, Cureeji, Cutiyo.
D
Daado, Daaho, Daawad, Dahabo, Dallaayad, Dallaayo, Dallays, Damman, Darmaan, Daruuro, Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqo, Deggan, Degmo, Dihin, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco, Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiiyo, Dugsoon, Dulman.
Dh
Dhaadsan, Dhaayo, Dhalaalo, Dheeho, Dhiimo, Dhiirran, Dhikilo, Dhimman, Dhimbilo, Dhoofo, Dhool, Dhoorweyn, Dhudi, Dhuuban, Dhuubo, Dhuulo, Dhuuxo.
F
Falis, Falxado, Fanaxley, Farax, Fariido, Farxado, Farxiyo, Faynuus, Feeyig, Fiido, Filad, Filan, Filsan, Foojiga, Foos.
G
Gaadsan, Gaarri, Gaarriyo, Gacaliso, Gacalo, Gaceedo, Gadiido, Gallado, Gargaaro, Gaylamo, Geeddiyo, Geelo, Geenyo, Gefla’, Gobaad, Gobey, Gordan, Guduudo, Guhaado, Gudhalad, Guuleedo.
H
Habban, Habboon, Habsamaan, Hagarla’, Haldhaa, Halgan, Haweeyo, Heego, Hibaaq, Hibo, Hiddo, Hillaac, Hiro, Hodan, Hodman, Hogol, Hoobaan, Hoodo, Hoombarro, Hufan, Huryo.
I
Idil, Idilo, Idman, Iftiino, Iido, Iimaan, Ilkaag, Ilroon, Ilwaad, Indhadeeq, Indhawroon, Ishaaro, Isir, Ismoog, Isniino, Istaahil.
J
Jalaqsan, Jamaad, Jawaahir, Jeegaan, Jinnow, Johro, Johorad, Joogdheer.
K
Kaabo, Kaad, Kaadsoon, Kaafiyo, Kaaho, Karuuro, Kinsi, Koos, Korraad, Kutubey.
Kh
Khadro, Khaladla’, Khayrto.
L
Laaco, Lacago, Ladan, Leexo, Lisan, Luul,
M
Maandeeq, Maano, Macay, Magool, Malabo, Markabo, Marwo, Miido, Mullaaxo, Muraayo, Murriyo.
N
Naadiyo, Naado, Naaleeyo, Nafiso, Nagaado, Nagan, Naqo, Naruuro, Nasteexo, Nuurto.
O
Ogaal, Oriyo.
Q
Qaafo, Qaayaweyn, Qaladla’, Qalanjo, Qarad, Qoordheer, Qoran, Qorraxo, Qumman.Quwaaxo.
R
Raagsan, Raalliyo, Raaqiyo, Raaxo, Rako, Rakuubo, Rashiido, Raydabo, Reemo, Roobo, Roon, Rooxo, Rummaan, Ruun, Ruxan.
S
Saado, Saafi, Saaqo, Sabaad, Sagal, Sahwiyo, Salaado, Saluugla’, Samawado, Sareedo, Sarreeyo, Saxansaxo, Saxarla’, Siman, Sitey, Soohan, Subkan, Suleekho, Sulubo, Sureer, Suubban.
Sh
Shaadiro, Shacni, Shahmaad, Shamado, Shankarroon, Shaqlan, Sheegan, Shifo, Shoobo, Shumey, Shuun.
T
Tagsan, Taliso, Tanaad, Tawllan, Tigaad, Timiro, Tiriig, Tisqaad, Toolmoon, Toosan, Tooxey, Tusmo.
U
Ubax, Ubbolacag, Udgoon, Ugaaso, Ulasan, Umal.
W
Wacan, Wanaag, Warfog, Waris, Warla’, Warmoog, Warroon, Warsan, Wiilo.
X
Xaadsan, Xaali, Xaddiyo, Xalwo, Xamaro, Xareedo, Xiddo, Xiisaan, Xinbilo, Xirsiyo, Xorriyo, Xukun.
Y Ka Dhiibo Fakradaada (Riix: comments)
Yusur, Yuusa.

mardi 4 janvier 2011
Jecliyaa Jamaad - Jaango - hees wadani
Ka Dhiibo Fakradaada Hoos.
dimanche 26 décembre 2010
Gabay qiiro leh “Ugub maaha taariikhdu”Abwaan Mahdi Yuusuf Max’ed
Inkastoo Abwaan tahay gabya ama aqoon fiican
Adigoo og Eedaha jiriyo Aanadiyo boogta
Ayay Taladu kaa oogsantaa oo Af xirantaaye
Amay kugu ijbaartaa Arrimi Aamus iyo yaabe
Oo aad Afkaartiyo Ra’yinga ka irdha qaadaaye
Ha yeeshee Axwaasha iyo markii aan waqtiga eegay
Ihaanada markii aan arkay iyo Eelka bixi waayay
Xaqa in aan adimo oo dadkii urursho mooyaane
In aan aamusoo lay Af jigo waan aqbali waayay.
Dabkan olola Uurada kacdiyo oohintiyo buuqa
Aqal dumay Uluufaad dhintiyo Mayd Arladi buuxshay
Qax aloosan Eedaad batiyo Shacabkan uugaabay
Awoow iyo Ayeeyiyo Umulo aragti loo laayay
Ilma lumaya oo Waalidkood garan aqoon waayay
Aqsa ooman oo Ila socdiyo Roob onkoda weyday
Argagaxa Indhaha taagmay iyo Yaabya Amankaaga
Dad wuxuu Anfaco haystay iyo Agab la dhaafsiiyay
Ashtakada Alloowdiyo baryada Awliyada Eebbe
Inkaarta iyo Aweytida dhacdiyo Belada aynfaaday
Iyadana markii aan arkay ee waqtiga eegay
Umaddii in aan uujiyo oo urursho mooyaane
In aan aamusoo lay af jigo waan aqbali waayay.
Adduun siduu u kala adagyahay ayaa loo arimiyaaye
Axdi lagu heshiiyoo ma jiro, la ixtiraamaaye
Waxaa Eed leh Ruux aan lahayn Aalad iyo Xooge
Qof kastoo Itaalkii yaryahay uunku wada liidye
Allah mooye Aadane ma jiro noo Ixsaan falo e
Unuunkaa la wada gooynayaa Ubadki soomaale
Haddaan Ehel na aabeeya oo noo arxama waayay
Xaqa in aan addimo oo dadkii urursho mooyaane
In aan aamusoo lay Afjigo waan aqbali waayay.
Isra’iil haddii loo igmaday Aayihii Carabta
Soomaalina Amxaar iyo Tigree lagu amaanaystay
Waa wax Uurku diidoo Qalbigu ka anfariiraaye
Waa Ari ilaaliya layiri Uubatiyo Weere
Ama Ayra Geel oo libaax Xero u oodaaye
Ama Jiir Bisado aaminay oo soo ag joogsadaye
Dadkan Nacabku aanaynayee ka irdha qaadaynin
Ee Uubta loo qodi hayiyo Iilka dhuganaaya
Iyagana markii aan arkay oo waqtiga eegay
Umadii in aan uujiyo oo urursho mooyaane
In aan aamusoo lay afjigo waan aqbali waayay.
Haddii Xamar Astaan Weeso iyo Aayad laga diiday
Oo uu Ilxaadkiyo kufrigu Amar ku taagleeyo
Aniguna Islaanimo darteed Eed ku mudanaayo
Oo ina Abraha maanta uu noo Arriminaayo
Inta ay Astaanteeni Qaran soo ifbixi doonto
Amaan heli midnimo Aamin iyo Aaran lagu daaqo
Oo kii Anbada maanta uu dib u ogaan doono
Xaqa in aan addimo oo dadkii ururusho mooyaane
In aan aamusoo lay Afjigo waan aqbali waayay.
Soomalidu waxbay eersadeen mana ogaadaane
Anaaniyad qabiilbaa dishay iyo aano reer hebele
“Anaga iyo idinka” ayay waqood ku andacoodaane
Weligood Anguugyaa dhextaal laysu eed qaboe
Inta weli Arrimi toosantahay ma intibaahaane
Markay Eber baxaan bay hadhoow soo alaaladiye
Sida ay isugu Eed qabaan loona kala ooday
Isticmaarna Eebo u tuntiyo Awlax lagu laayo
Iyadana markii aan arkay oo waqtiga eegay
Umaddii in aan uujiyo oo urursho mooyaane
In aan aaamusoo lay Af jigo waan aqbali waayay.
Nimankaan Astaan Dowladnimo ku andacoonaaya
Ee Malez Imaamka u yahay iyo Aabo la xurmeeyo
Ee sidii Ilaaluu qortay iyo Eey u daba jooga
Addoomaha sidooduu kaluu uga adeegtaaye
Intoo uurka loobuuxiyo ayaa lagu ugaartaaye
Waa Qoom Ibtilo haysatoo Aaytiin gabaye
Addis ababa meel aan ahayn looga Amar waaye
Waayagaa dalki iyo dakiyo diinti iibsadaye
Amankaagna waan ugu go’ay, yaa arkiyo yaabe
Wax aan ku ashbahaba waayay oo waan abyamayaaye
Ari ma aha, ido ma aha , oo sidii geel ma ololaane
Anfac malaha Eed iyo Dhib iyo Olol Shid moyaane
Iinsaanna way u egyihiin oogadaa saroe Waa wax uun
Af-soomaaliga bartay, lana aqoon waaye!!
Halla urursho Eeddeey galeen aase Qarankiiye.
Ararta iyo Ujeedada hadaan meel isugu keeno
Waxaan ku ebyayaa gabayga waan ururinaayaaye
Ugub ma aha Taariikhdu waa oollin soo jiraye
Waxay soo aroortaa ilaa Aadan iyo Nuuxe
Uumiyuhu intuu jiray ayay ururinaysaaye
Wixii kaa ishkaal gala amaad garan aqoon weydo
Axwaalaha Adduun soo maray ayaa laga
Awilaad ma yeesho iyo inaad been ab-abataaye
Ictibaaro weeyaan qofkii aad u fiiriyo e
Waxaan weli la amankaagsanahay aadna ula yaabay
Annaga iyo Etoobiya wixii Eel naka gaaray
Umuurteenu waatay ahayd Aano iyo Dhiige
eryaaydaan lahayn waayaday Adari dhaafeene
Imminkana sidiibay arrimi u Af dalooshaaye
had may na igradeen amase aan wada ijaaboownay.!!
In yar oo dar daarana ayaan ku Ebyinaayaaye
Dad akeekamaa kama gudbaan Xaaladdan adage
Ogaadana haddii talo Ikhlaas iyo Aqoon weydo
Anshax suuban iyo Aragti dheer ama Aqool fiican
Ma islaaxo Arrin aan si dhab ah loo abaabuline
Aamus iyo anaa irina waa lagu ilduufaaye
Iddaa ma heshid jeer aad Midnimo ku ijtihaadaaye
Si kastoo u alalaadid oo Alla u tuugto Waxaad tahay
Irmaan guran haddaan lagu ajiibayne
Amal iyo Rajana waa in aan Eebbe barinaaye
Addin iyo Afkoo wada jirana lays abaabuloe
Uur Nadiif ah Ujeeda isku mida Aragti Soomaali
Ruux walboow Abbaartaada garo oo Allana kaasho.

mardi 14 décembre 2010
Gabayo Ay Isu tiriyeen Rag ka Soo Kala Jeeda Degmooyinka Buuhoodle Iyo Bariga Burco.oo khuseeya Gadoodkii Kalshaale
Gabaygan Waxaa BILAABAY NIN KA SOO JEEDA BEESHA HABRROJECLO
Ninkii nabad cisaynaayayoow
timi colaadiiye
Haddii aan cadaan looga qixin
Cidhifka buuhoodle
Cida reer marqaan iyo hadaan
Qaraaro caydhoobin
Hadaan curadadii
Layga dilay caaqilo ulaynin
Cali geriyo reer hagar hadaan
Haadu ku cashaynin
cimrigay intuu jiro hadii
Cidi kunaalooto calaan ahoo
Calaydhalay haddii layga caban waayo.
GABAY JAWAAB AHNA WAA KAN:
Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale
Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene
Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye
Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye
Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin
Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin
Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin
JAWAAB KU SOCOTAANA WAATAN.WAXAANA GABAYAGA TIRIYEY
ABWAAN C/CABDICASIIS AXMED FAARAX
Indhawayto hawraarta gabay uma aan heelayne
Nin hanuun yaqaanbaan ihiyo halalka diimeede
Hor ilaah habeen aakhiro yaan ka haybsadaye
Markay huushtu soo gabaydaybaa haatuf ii yimiye
Hootada isii soo dhowaa huuri walihiiye
Hagar iyo ninkaa cali geri uhindisoonaya
Waa hawraar nin walaalani yidhi aan halba ogayne
Hadradiyo ka siman faanka iyo inay hadaaqaane
Hanaaclayso waa lagu yiqiin habar xabuusheede
Dhulka lagyu habsaday uumiyaha hawshu kala gaadhay
Hadbaa wadata solamadaw haday nabadi diideene
Weligood hanfade waalan iyo hooribow kaca e
Hadba meel kubood waa yaqaan haydhafka isaaqe
Hal wareeg qudhaan kaga adkahay haybta uu yahay e
Intaad habar magaad liyo ogtahay hiilka guda biirsay
Waxa hadalka kaa keenayaa waa habkaa qudha e
Ma hanjabo ayaantaan col iyo humayo duulaane
Hawd iyo nugaal kuu la iyo huurki laasaha e
Hororyohow anayskaleh arlada aad ku hodanteene
Hadaad carari layd iyo hadaad iil yar qodan laydba
Waa lama huraan inaan qabsado heelka tuulada e
Kalshaaliye hagoogane fidmada haatan laga sheegi
Raga humaya waa garanaynaa haybta uu yahaye
Hadaan boolajiij iyo xaal hadala laykeenin
Aan hogaga tuulada kaqodan ciilada lagu hoobin
Waalama huraan inaan dagaal ku hindisoodaaye
Hubka uruso cayn kuula hawd danbito ciide
Hadaan diriro soomali lan waa halkuma taale
Goortaan hujuumay arlada haawin oo tegiye
Halka aad ku toodhoonaysiyo hadafku waa beene
Haku lumin hadaad habarjeclooy saa ku himilootay
Nimanyohow hawadu waa jin iyo hadaf colaadeede
Hanka habar xabuusheed galay la hunbulaynayso
Hadhuubkoodi baa buuxsamoo ways hawaliyeene
Hoogbaa ku dhaca reer nimcada haysan karahayne
Duulkii halaagmiyo fircoon yaad la hadaftiine
Haasaasad kala midtiin hurinti reer caade
In ilaah habuud idinka dhigo heedhe la arkeeye
Ka hungooba maalkiyo dadkaad hodan ka joogtaane
C/casiis Axmed Faarax
roobdaay@hotmail.comThis
Jawaab Kalana Waatan Waxaana Nasoo gaarsiiyey Abwaan Magaciisa layiraahdo :
Saleebaan Faarax Cali Garoon
balada nimankaa yabohoo baaqa soodiray
bilaahida hadii aan maroo beenta kabasaaro
burburkiyo shidada marnaba layma buun buunsho
burco iyo barbar hadaan bilistu wada ooyin
oo baadariga waynu meeshuu fadhiyo boodhku kor uduulin
bir adaygii laygu yiqiin baa bilaash noqon
bahdaada kuwii ahaa oo boobka kuguraacay
balantii aykuu qaadayeen iyo burjigu haduusan buushe kaanoqonin
baligii kalshaaloo doraad baladu kaaraacday
boog hadaanan kaagadhigin buugta kuugala
allaylehe biyihii daarood barax aan ka ahaado
baabulaha libaax oo wax badan ayda ku abaaday
baahiyo haraad wuxuu beerka ula jiifo
baadi luntay markuu helo buu micida doojaa
dabadeed bogii xoodmay buu xalus kuyeeshaa
baadil adigoo raboo been kitaab maray
bareere aan qarsoonayn sharcigiyo diinta ugabayray
beer jileec inaad iga hesho marnab hayga sugintaas
danbiyadaas kubiirsanaa waa lagaa jariye
boga rasaas inaan kaaladhoco waa abaalkaaye
baadrool inaan kugushido baan balankumarayaaye
baqa carar inaad boorame gasho baan balan kumarayaaye
bugtadaad qabteen mataabane waa bilow hadalku
maansadana halka iigudaa baaqi baaharaye
Fadlan Fakradaada ka dhiibo meesha ay ku qorantahay "comments"

dimanche 12 décembre 2010
vendredi 10 décembre 2010
CIIDANKII BARIGA BURCOO,BIDHAANTA RAGGA BUUHOODLE MARKAY ARKEEN BAQO DHABARKA WADHAY
Markii lays helay
Oo halaag dhacay
Ninka Habar jeclo
Hadba geed fuul
Oo hareeraha eeg
Oo haddana degay
Oo hor allah orad
Oo hayaay yiri
Oo hoogayey yiri
Oo Habrihii wacay
Oo Hoobeyooy Hooobeeyoy Heedhe
Hoos Ka Daawada:
gufacale@hotmail.com
Oo halaag dhacay
Ninka Habar jeclo
Hadba geed fuul
Oo hareeraha eeg
Oo haddana degay
Oo hor allah orad
Oo hayaay yiri
Oo hoogayey yiri
Oo Habrihii wacay
Oo Hoobeyooy Hooobeeyoy Heedhe
Hoos Ka Daawada:
gufacale@hotmail.com
lundi 29 novembre 2010
jeudi 25 novembre 2010
Gabaygan waxaa curiyey Abwaan Abdi-nassir Mohamoud Hassan(baroor
Dhowr boqol oo sanood tegey ,kaan udhimanaayey,
ee ceebta laga dhowreyee ,gaalna laga dhaarshey,
dhaxalkii daraawiish miyaa ,cadow ku dhaanteeyey,
aan dhugano taariikhdu how wayska dherareyde...
Dhoobadii taleex iyo ,ragii dhoodi lagu laayey
Dhudhubihii jidbaaliyo wixii cayn la dhigay wiilal
Gadhmadowdii dhuugloho tubneyd, dhagartii loo geystey
Wixii dhiig qulquley mirashi aad dhegedka moodeysey
Afbakeyle dhuux iyo wuxuu hilib dhurwaa quutey
Faras iyo wuxuu geel la tegey dhegayrow reyfal
Intaasoo dhibaaba ragii dhabar adeygaayey
Dhoorihii cadaa iyo kuwii daba dhuhleynaayey
Nimankii dhufaaney ee ka dhacay maal wuxuu dhaqayey
Murtad dhogor xun iyo koofil bey dhamac ku oogeene
Iglan iyo dhenmaark buu ka dhacay hadalkii dheeraaye
Libintaa ragii dhigay miyaa dhaley kuweer liita
AFARTAA SIDII DHUUX MIYAAN DHUUBKA UGU SOOHAY
INA MIRE DHABADUU JEEXAY IYO DHAABADII QAMAX DHEH
DHAMOW INA BAXNAAN IYO SIDII WALLAH MA DHIIDHIIBSHEY
WIXII AADAN LAGA DHEGTEY IYO DHIBICDII MAAWEEL DHEH
DHIRBAAXOOYINKII AADAN GAAS LABA GOLOO DHAARTEY
DHUUNGOOYADII LAGU YAQIIN DIRIR DHASHIISII DHEH
DHABANAANADII SUUSLE IYO MIDHO DHUNKAALEED DHEH
AFAR KALENA WAA DHOW HALOON IDIN DHEGEYSIINE
Dhulbahatow dhegaatiga furtaa awr la dheeliyeye
Dheef hadhacleh dhameel qabco ah qudhac haduusaaro
Dhumuc iyo haduu geed lahaa laamaha is dhaafa
Haduu dhoobi doorsani lagalo gudimo uu dhaabtey
Dhoor fiiqan baa soo ha dhoo dhuxule dhowrtaaye
Tafaraaruqaa lagu dhex dhigay baa ka dhigan taase
Dhegey fare dhulbahantoow maxaa dhirifkii kuu diidey
Inta reerba reer dhaawac iyo dhagar la doonaayo
Ama nabad dhunkaaleysanoo dhiman u guuxaayo
Ka dheeraate dadab aad hablaha goba la dheeshaane
Ugaadeenka dhaladka ah maxaa loogu dhigan xeerka
Dhankastaad ka eegtaba hartigii idinka dheereye
Mareexaan dhufays buu yiqiin aad ku dhimataane
Golayaasha aan dhoobanahay waa dhaliil runa eh
Tobankaa dhufaan baa gatey oo dhoofshey aradkiiye
Halkey ina dhigeen daya runtaa lagu dhawaadaaye
Labdaa dhashiikiyo dhalfada aan la dhaca diidno
Ku wareeja dhedigyo hablihu waa dhacsanayaane
Dhool iyo canbaro kama baqeen cadow dharaartaase
AFARTAA SIDII DHUUX MIYAAN
DHUUBKA UGU SOOHAYee ceebta laga dhowreyee ,gaalna laga dhaarshey,

INA MIRE DHABADUU JEEXAY
IYO DHAABADII QAMAX DHEH
DHAMAOW INA BAXNAAN
IYO SIDII WALAH MA DHIIDHIIBSHEY
WIXII AADAN LAGA DEEGTEY
IYO DHIBICDII MAAWEEL DHEH
DHIRBAAXOOYIN AADAN GAAS
LABA GOLOO DHAARTEY
DHUUN GOOYADII LAGU YAQIIN
DIRIR DHASHIISII DHEH
DHABANAANADII SUUSLE
IYO MIDHO DHUNKAALEED DHEH
AFAR KALENA WAA DHOWR HALOON
IDIN DHEGEYSIINE
Iminkaan idiin kala dhigdhigi dheefta maansda e
Ninkii ooma oow dhereg murtida waa dhanbalayaaye
Ninrig dhalatey iyo aaran waa dhababaceeyaane
Dhubuqleynta iidoor wadee nala dhex qaadaayo
Dhawaan soo baxaa noogu yimi dheesha iyo xeesha
Dharka uu xidhtiyo nimaad taqaan dhuuniguu cunayo
Shalay dhaleyga raba aabihii in uu dhibaateeyo
Aduunyadu dhulow lagu socey iyo maaha dhalanteede
Nin waliba wuxuu dhuunyan jirey waa dhar qanayaaye
Bal dhugtaay naftii dhimaneysaan dhoorso loo heline
Duulaan la dheelmiyo markey tahay dhafoor tabad
Markaan dhowr gantaal kugu dhuftoon kaala dhaco meel fog
Dhudhun iyo anaa dhiiri iyo xoogba kaa badane
Oo aan dhalfiifaha ka dhigo waxaad dhufeys moodey
Hadaan dheguhu idin ood minoo arag dhalaaloobin
Sidii awr dhukaan qaba hadayadan ciil la dhugatoobin
Waa hadaanan dhulooskii ahayn dhaadanaan jireye
Waxaad iga war dhoortaanba waa dhowr cashiyo wiige

mercredi 24 novembre 2010
GABAYO :Beenaleey, Camanje, Dhuux, iyo Geele
Camanje ayaa waxaa la wariyey in niman Isaaq ahi u qabsadeen hal ooy dhaheen hal baad naga dhacday Camanjooy. Camanje oo aad ula yaaban nimanka iyo xaajo xumadooda ayaa yidhi hashii in aanan arag ayaan idiinka dhaaranayaa ee ii imaada. Nimankii ayaa u yimid Camanje si uu kitaab Jaamac ah ugu maro inuusan hashii indha saarin aysana ku maqnayn isaga. Nimankii oo gole fadhiya oo ka sugaya Camanje inuu dhaarto ayuu gabaygan u tiriyey oo wuxuu yidhi:
• Nimanyahoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye
• Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore
• Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale
• Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye
• Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane
Ma dhanna....
Cali Geele nin la yidhaahdo oo Arab (Isaaq) ah ayaa uu jawaabay Camanje oo yidhi:
• Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane
• Aanada rag kale haw dhintee, eray yar baan baanay
• Hadday ayra geel kuu dhashood, waaya badan eegto
• Uumiga kaliileed hadday, aammineey curato
• Oo ibaha naasaha la jaro, waa af-kala-qaad
• Markabkoo alleyl dhacay hadduu, shooladda afuufo
• Eglan iyo walaa buu maraa, toban ayaamoodee
• Kol haddii Ingiinku u fakado, waa af-kala-qaad
• Nin maqaaxi iibsadey haddii, loogu iman waayo
• Goortii albaabada la xidho, waa af-kala-qaad
• Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
• Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysu soo urursho
• Ninka aniga ma ahee gabyaa, waa af-kala-qaad
• Awr badan waraabuhu hadduu, waa ajale laayo
• Ma uu aamusnaado ee kolkuu, uubatada qaado
• Kolka aarka weyni u yimaad, waa af-kala-qaad
• Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye??
• Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye
• Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye
• Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure
• Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye
• Waa taan siddii yey anbaday, ilo ka yeedhaaye
• Waa taan awaaraha miskaha, dib ugu aastaaye
• Waa taan in goon ah iyo habaas, kala afuufaaye
• Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona
• Waa taan bir wada aad ah iyo, gudun afaystaaye
• Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye
• Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede
• Waa taan Absame Kuumadiyo, ehelkii sheegtaaye
• Abtirsiimo waa taan Hartiga, uga ekaadaaye
• Ubadkayga waa kay siddaa, arab Mareexaane
• Waa taan Majeerteenka Eyl, inan ka doonaaye
Maxamuud Cali Beenaleey ayaa labadii tixoodba gaadheen. Wuxuu ku darsaday gabaygan hoose:
• Marna in aanan maakhado ahayn, maanac iyo saanac
• Muslinkaba in aanaan u darayn, laysna mudan doono
• Dadka nimaan manaabo iga qabin, in aanan maagaynin
• Oo aanan musheekhdiyo nebcayn, nimaan macruufownay
• Oo aanan kutubo laysu maray, meersan wacadkooda
• Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore
• Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye
• Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye
• Waa taan maqaankii hunguri, ugu madiixaaye
• Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye
• Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e
• Waa taan miscilo baas dhigtaa, aan marimo ootaaye
• Waa taan malooliga cayilay, macasha jiidaaye
• Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badihiiye
• Waa taan min weyn iyo go' iyo, mohorod qaataaye
• Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye
• Waa taad i moodaa dhurwaa, maraya dow dheere
• Miskaha iyo waa tay futada, wax i malaahaane
• Waa taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane
• Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye
• Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye
• Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye
• Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e
• Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leyl e
• Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye
Ma dhanna
Maax Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno:
• Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore
• Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye
• Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruur xidhane
• Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee
• Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede
• Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge
• Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye
• Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone
• Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye
• Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe
• Ilamahana galabtuu iman, aabihii dhalaye
• Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore
Cali Geele Ogaadeen oon meesha kuba jirin ayuu gabaygiisii ku caayey. Ogaadeen kaliyana ma ahee Darood oo dhan sida Mareexeen, Majeerteen iyo Hartiga kale ayuu magac dhabay. Cali Dhuux Aadan oo dhinaca saaraya Camanje iyo Maxamuud Cali Beenaleey, Cali Geelana yool ka dhiganaya ayaa kusoo biiray oo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey mid u eg tiriyey. Wuxuu yidhi inta aan hadda ka hayno:
• Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye
• Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye
• Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye
• Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e
• Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye
• Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye
• Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye
Silsiladan oo markii dambe isu rogtay mid ay Daarood iyo Isaaq ku loolameen waxaa ka qeyb qaatay rag badan oo kale. Afartan tixood een halkan ku xusnayna qaar badan ayaa ka maqan. Soo raadi oo fadalan nala soo socodsii haddii aad wax ka heshid.
lundi 22 novembre 2010
mardi 16 novembre 2010
lundi 15 novembre 2010
dimanche 24 octobre 2010
lundi 18 octobre 2010
jeudi 29 mai 2008
Gabayo isu jawaab ah
Beenaleey, Camanje, Dhuux, iyo Geele: Camanje ayaa waxaa la wariyey in niman Isaaq ahi u qabsadeen hal ooy dhaheen hal baad naga dhacday Camanjooy. Camanje oo aad ula yaaban nimanka iyo xaajo xumadooda ayaa yidhi hashii in aanan arag ayaan idiinka dhaaranayaa ee ii imaada. Nimankii ayaa u yimid Camanje si uu kitaab Jaamac ah ugu maro inuusan hashii indha saarin aysana ku maqnayn isaga. Nimankii oo gole fadhiya oo ka sugaya Camanje inuu dhaarto ayuu gabaygan u tiriyey oo wuxuu yidhi: Nimanyahoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane Ma dhanna.... Cali Geele nin la yidhaahdo oo Arab (Isaaq) ah ayaa uu jawaabay Camanje oo yidhi: Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane Aanada rag kale haw dhintee, eray yar baan baanay Hadday ayra geel kuu dhashood, waaya badan eegto Uumiga kaliileed hadday, aammineey curato Oo ibaha naasaha la jaro, waa af-kala-qaad Markabkoo alleyl dhacay hadduu, shooladda afuufo Eglan iyo walaa buu maraa, toban ayaamoodee Kol haddii Ingiinku u fakado, waa af-kala-qaad Nin maqaaxi iibsadey haddii, loogu iman waayo Goortii albaabada la xidho, waa af-kala-qaad Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysu soo urursho Ninka aniga ma ahee gabyaa, waa af-kala-qaad Awr badan waraabuhu hadduu, waa ajale laayo Ma uu aamusnaado ee kolkuu, uubatada qaado Kolka aarka weyni u yimaad, waa af-kala-qaad Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye?? Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye Waa taan siddii yey anbaday, ilo ka yeedhaaye Waa taan awaaraha miskaha, dib ugu aastaaye Waa taan in goon ah iyo habaas, kala afuufaaye Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona Waa taan bir wada aad ah iyo, gudun afaystaaye Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede Waa taan Absame Kuumadiyo, ehelkii sheegtaaye Abtirsiimo waa taan Hartiga, uga ekaadaaye Ubadkayga waa kay siddaa, arab Mareexaane Waa taan Majeerteenka Eyl, inan ka doonaaye . Maxamuud Cali Beenaleey ayaa labadii tixoodba gaadheen. Wuxuu ku darsaday gabaygan hoose: Marna in aanan maakhado ahayn, maanac iyo saanac Muslinkaba in aanaan u darayn, laysna mudan doono Dadka nimaan manaabo iga qabin, in aanan maagaynin Oo aanan musheekhdiyo nebcayn, nimaan macruufownay Oo aanan kutubo laysu maray, meersan wacadkooda Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye Waa taan maqaankii hunguri, ugu madiixaaye Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e Waa taan miscilo baas dhigtaa, aan marimo ootaaye Waa taan malooliga cayilay, macasha jiidaaye Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badihiiye Waa taan min weyn iyo go' iyo, mohorod qaataaye Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye Waa taad i moodaa dhurwaa, maraya dow dheere Miskaha iyo waa tay futada, wax i malaahaane Waa taan middaan dhalay dhahaa, maydhan yaa gadane Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leyl e Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye . Ma dhanna Maax Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruur xidhane Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe Ilamahana galabtuu iman, aabihii dhalaye Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore . Cali Geele Ogaadeen oon meesha kuba jirin ayuu gabaygiisii ku caayey. Ogaadeen kaliyana ma ahee Darood oo dhan sida Mareexeen, Majeerteen iyo Hartiga kale ayuu magac dhabay. Cali Dhuux Aadan oo dhinaca saaraya Camanje iyo Maxamuud Cali Beenaleey, Cali Geelana yool ka dhiganaya ayaa kusoo biiray oo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey mid u eg tiriyey. Wuxuu yidhi inta aan hadda ka hayno: Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye Silsiladan oo markii dambe isu rogtay mid ay Daarood iyo Isaaq ku loolameen waxaa ka qeyb qaatay rag badan oo kale. Afartan tixood een halkan ku xusnayna qaar badan ayaa ka maqan. Soo raadi oo fadalan nala soo socodsii haddii aad wax ka heshid.
vendredi 7 mars 2008
Maansadan la magac baxday HADAF (…hadfey, lumay), Mar 07, 2008Hordhac: Dhammaan salaan baan halka uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waxan halka idiin ku soo gudbinayaa Maansadan la magac baxday HADAF (…hadfey, lumay), taasoo sida magaca laga garan karo yoolkeedu yahay wixii Soomaali ka lumay oo hubso la aqoon waayey; dhibaatada haysata dadkeenna; iyo aayaha dambe waxan ka fili karno. Maansadu iyada ayaa is fasiraysa, qofkii raba inuu ka jawaabo waan soo dhoweynaynaa. Mahadsanidin
Dhammaan salaan baan halka uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waxan halka idiin ku soo gudbinayaa Maansadan la magac baxday HADAF (…hadfey, lumay), taasoo sida magaca laga garan karo yoolkeedu yahay wixii Soomaali ka lumay oo hubso la aqoon waayey; dhibaatada haysata dadkeenna; iyo aayaha dambe waxan ka fili karno. Maansadu iyada ayaa is fasiraysa, qofkii raba inuu ka jawaabo waan soo dhoweynaynaa. Mahadsanidin
Waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Halxidhaale waa xeel
Hal adaygu waa dhalan
Googgaale waa helis
Maahmaahi waa hubin
Heellayni waa jiib
Dhaqan waa hab soo jirey
Hidde waa ku dayashada
Hooyaale waa luuq*********
Kolka hoga tusaaliyo
Murti lagu hirtaabaa
Hannaanshaa abwaankuye
Maansadan Ha’leyda ah
Hadaf loogu magac daray
Waa himila gaaroon
Ku helaadin aayahaWaa hodan silsiladoo
Higsanaysa meel dheer
Waa hubanti waayaha
Taariikhda hoos taal
Hawraar u goonniya
*********
Qarni waliba heerkii
Ummadiba hoggaankeed
Ragannimo horseedkeed
Gobannimo hoyaadkeed
Garashoba hummaaggeed
Hooyoba kalgacalkeedHindisaba yagleelkii
Geeddiba hayaankiiHinjiyeba awooddiis
Huriyeba colaaddii
Hardafeba gammaankii
Hagariba odhaahdeed
Hawiraaba dhaxalkii
Heegaba tigaaddeed
Hawliba dhaqaaqeed
Hiyi lumay dhaliishii
Nacayb huursan yeelkii
*********
Afartaa hawaawiga
Hordhaceeda maansada
Higgaaddiyo hannaanshaha
Halhayskeeda jiiftada
Hilin weeye suugaan
Hal-abuur tilmaantiis
*********
Soomaalida hirdamaysee
Haaweyda noqotee
Is hunjaalli iyo dirir
Halbowlaha is goysee
Hanadkii ka soo baxa
Hilbihiisa haaddiyo
Haanraawe siisee
Haweenkiyo dhallaankii
Haqaydii cidleeyee
Ku halligay dagaallada
Hablihii gammaankiyo
Geela loo hibayn jiray
U hanneeyey duul kale
Dalkii haybadda lahaa
Qarankii habaysnaa
Hog madow ku ridayee
Hayb hayb u kala baxay
Haan haan u kala tuban
Hoos hoos u kala tegey
Hubsiimay u baahnayd!
*********
Reer hebel ayaan ahay
Qabiilkaygu waa hurin
Anaa hee dheh kuu talin
Heebaan anaa geya
Heensaha anow sida
Hilba qaybsi weeyaan
Waaxdu waa halkaygii
Taladana anaa haga
Haarlaha shabeelkiyo
Aar hooliflaan ahay
Hanqadh soo hugmaan ahay
Hanfi soo dhacaan ahay
Dabayl huguguflaan laan ahay
Hawadaydu waa magac
Garab lagu hirtaan ahay
Ninkaa harag sagaareed
Soo hillaabtay baan ahay
Hoy lagu gamaan ahay
Hormood miiggan baan ahay
Haadaa qabiiliya
Haddaan tayda loo qumin
Habar wacashadeedii
Hubsiimay u baahnayd
*********
Jabhad hadimadiisiyo
Dhulka aniguun baw hadhi
Gobol waliba waa hayb
Qaarbaa haraadiya
Nin kaloowba ka huleel
Hiirtaanyo godobeed
Hororsiga xishoodlaay
Calammada la haykali
Ku hawoodka qarannimo
Ku hammoodka beenta ah
Haydaara qabe iyo
Habaaranaha derejiyo
U haliili madaxnimo
Hoy uu nin leeyahay
Ku habsoo hantida boob
Hagardaami maatada
Heelheel u kala sooc
Kii gacanta hoorsada
Halab caaneheed sii
Inta kale hungo u reeb
Hubsiimay u baahnayd
*********
Harga waaxisteedii
Maandeeq huqdeedii
Kala haadinteedii
Hay’adihii qarankee
Mooryaanta loo huray
Wershidihii la haaligay
Laamiyada hog laga dhigay
Gaadiidkii hawl gabay
Hantidii dadweynaha
Bangiyadii la haayiray
Daarihii hagoogtiyo
Laga hoolay quruxdii
Madficii hadheeyee
Sidii hogol lagaga dhigay
Agabkii Hindiga iyo
Hadhka carabta loo raray
Hubsiimay u baahnayd
*********
Odayada hab dhaqankiyo
Hiddihii ka leexdee
Hamuun tirasho mooyee
Ka hayaamay sharaftii
Boqorrada hallaabee
Hungurigu ballaadhee
Heensiga u taagane
Huluulaha ku loofaray
Culimada hanuunkiyo
Diintii habowshee
Halista u badheedhee
Hedda goy isbiimee
Hubka noocyadiisiyo
Hoobiyaha kaashaday
Haabsaday siyaasada
Abwaannada hal duufee
Hareer maray asluubtee
Hibadii ilaah baray
Dhankale u hoggaanshee
Qabiil soo hor kacayee
Maalintay habboon tahay
Hebel aan la oranayn
Hubsiimay u baahnayd
*********
Qurba joogga haajiray
Ee hodan shisheeye ah
Maatada la hoos tegey
Haansaday qaxootiga
Caydhana ka haqab baxay
Hooggiyo dhibkuu maray
Ninkaa haatan moogee
Haween dhalay sidoodii
Hafeefta u illaawee
Qabiilkii hodee dilay
Maantana u heellane
Hayinka u ahaadee
Hadhka iyo habeenkii
Kala horaya sheekada
Hubsiimay u baahnayd
*********
Ubadkay habaysee
Hoobaan canqarisee
Danbarkeedi heensaday
Halyeeyadii ay korisee
Hanaqaaday ee kacay
Beryo hodontigeedii
Kuwii helay tacliintee
Higgaad looga qaadee
Heer sare ku gaadhee
Jaamacad ku hoydee
Aqoon loo hanweyn yahay
Hawl yari ku taabee
Misna horumarkeediyo
Halkii laga filaayiyo
Ka habaabay dawgii
Hubsiimay u baahnayd
*********
Afartaana hooyaye
Hufan weeye maanso eh
Hirarrada isdabayaal
Aan hoos u daaddego
Mawjadaha kala hago
*********
Hodon waa ilaahay
Isagaa hal u askumay
Hab dhismeedka dunidoo
Hadhka iyo habeenkii
Aan kala habsaamayn
Cirka higilka weyniyo
Qorraxdaa holcaysiyo
Dayaxaa hadaafiyo
Xiddigaha hareer mara
Dhulka hoos u gogolka ah
Macdantu ay ku hilan tahay
Dabaylaha hibaaqshiyo
Hawa caynba cayniyo
Hogol soo cusbaatoo
Soo hoorta abidkeed
Xareed laga hirqado iyo
Noole haan walbaale ah
Hilibliyo midhoole ah
Dawaa’igana laga helo
Intaasoon la huri karin
Waa hadiyad aadmiga
U hanneeyey guulluhu
*********
Uunkan hadulayaankii
Kala haabba weeyoo
Qaarbaa hore u maray
Higsadoo barwaaqada
Dalkoodana u hagar baxay
Innaguna hadhiiniyo
Hanfadaynu wada nahay
Wada habacsanaan nahay
Duul hadaadumaan nahay
Baryo hoobsataan nahay
Habeen wada jiraan nahay
Kolka haanta loo tumo
Hooballaynu wada nahay
Kolka huur makhaayada
Shaaha la hirqanayee
Hooshayntu joogtana
Hargaantaynu wada nahay
Kolka heel la soo shiray
Danta laga hadlaayana
Wada hoorri baan nahay
Kolka hiil qabiil iyo
Reer hebel la magac dhabo
Hanad baynu wada nahay
Kolka qaran la haybshee
Gobannimo habboon tahay
Habash baynu wada nahay
Dareennada wax haga iyo
Qalbiyadeennu waa habow
Hoobaaqda araguhu
Halista uma jeedaan
Hanfigiyo dabaylaha
Hawda dheguhu may maqal
Hunri soo dhacaayiyo
Saantu halowga may tebin
Carrabkuna hammuun maleh
Dhadhan kale ma halabsado
Hawo caraf leh daayoo
Sanka haragna uma uro
*********
Afartaana hor ilaah
Hibadiisa weeyee
Ma hitiqiyey jiiftada
Ma hoogaanshey sida roob
Horma kale ma daba dhigay
*********
Nimaan tiisa ku hamiyin
Miyuu horumar gaadhaa
Nin dadkiisa hoog baday
Miyuu haybad leeyahay
Hungo madhan miyaa nolol
Qaran lagu haleelaa
Hidiirka iyo liitaha
Haaneed aan garanayn
Hadhuubgaal ma qaataan
Qaxootiga hanqaarmee
Huuriga ku le’dee
Ku halaagmay badahee
Yaman heedaddaabee
Bawdyagaabtu hiiftee
Hatigaad nacaybiyo
Kufsigiyo halgaaddii
Hanjabaadda ugu daray
Hoodh miyay ku qoystaan
Halyeyada la gawracay
SouthAfrika ku hawiran
Hoos u jiiftadadoodiyo
Haniyena lagaga tegin
Hanaqa iyo beerkiyo
Haamadduba daloolaan
Hiil miyay ka sugayaan
Ameerika u hayluul
Kiiniya u hoy dayo
Giriig haabso iyo yurub
Ku harraad saxaaraha
Itoobiya habeen joog
Carab kale hulqe u noqo
Haaraanka haw bixin
Naftu hadiyad weeyee
Heerkaa dad laasimay
Hoo miyay ka filayaan
*********
Maansadu ma heegaa
Ma hillaac guyeedbaa
Ma daad hadadafaayoo
Haradii irmaanshaa
Sida hogol kaliileed
Miyay hibitiqaysaa
Sida heedda oo kaleMiyay kala hufmaysaa
Sida hamashka geedaha
Miyay halalaclaysaa
Ha’du waa muggeedee
Ma ku hoobanaysaa
Hilinkiyo ujeeddada
Delebkaan hortii dhigay
Ma sitaa hog ugu dhacay
Ma halkaan la rabay bay
Ku hagaag I leedahay
Hadhuub daadanaayay
Hamba qabo ileedahay
Hororkiyo waraabaha
Ma hir bay ileedahay
Ma huraanka kala tegey
Ma heshiiya bay tiri
Hadimada shisheeyaha
Ma horjoogsaday tiri
Hoosiiska nagu dedan
Ma ka hoos baxay tiri
Mise waan hadraayaa
Dhibka hadiba maysaan
Huqdu waygu keligay!
*********
Maxamuud Axmed Cabdallewaxaa uu tiriyaay March 05, 2008
Naaji2008@gmail.com
Inscription à :
Messages (Atom)